RRS 0.00% 0.1¢ range resources limited

anyone know somali

  1. 4,312 Posts.
    lightbulb Created with Sketch. 144
    I assume it's about Hersi's trip to Addis Ababa but also notice Range, Africa Oil and Somaliland gets mentioned?



    Safarka Cadde ee Ethiopia
    6 Feb 6, 2008 - 4:33:05 PM




    Madaxweynaha DGPL Cadde Muse iyo Wasiirkiisa Amniga Cabdulahi Siciid ayaa safar ay Talaadadii ugu ambabaxeen magaalada Addis Ababa ee wadanka Ethiopia waxaa ka soo baxaya warar dheraad ah.

    Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa hadda ku sugan Ra'isal Wasare Nur Cade iyada oo maalinta berri ahna la filayo in Madaxweynaha DFKMG ah Cabdulahi Yusuf oo in muddo ah xaalad caafimaad ugu maqnaa wadanka Ingriiska soo gaaro halkaas.

    Garowe Online ayaa fahansan in Madaxweynaaha DGPL Cadde Muse la filayo in Madaxweyne Cabdulahi Yusuf iyo Ra'isal Wasaarihiisa waydiisan doono sixiixa heshiis uu horey ula galay shirkado lagu sheegey in shidaal ka baarayaan Puntland kadib markii ay codsadeen fasaxa DFKMG ah si lacago dheraad ah u baxshaan.

    Shirkada Range Resource oo horey heshiis ula gashay Cadde Muse ayaa ka iibsatey qeyb kamid ah heshiiskaan shirkad lagu magacaabo Canmax [Africa Oil] taas oo dalbatey saxiixa Madaxweynaha DFKMG ah si ay u bixiso lacagtii lagaga iibsadey heshiiska.

    Xogo lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxaya in xubnaha garwadenka u ah heshiiskan ay horey ugu guuldareysteen in Madaxweynaha DFKMG ah ogoleysiiyaan in uu saxiixo heshiiskaan qabyada ah xili uu ku sugnaa wadanka Kenya si lacagahaan looga qaato Canmax.

    Dhinaca kale wararka ayaa intaas ku daraya in safarka Madaxweynaha uu la xiriiro dalab ka yimid dowlada Ethiopia oo la sheegey in ay ka cabaneyso in mucaaradka ka soo horjeeda dowladooda isticmaalaan dekada magaalada Bosaso iyada xukuumada Cadde ku eedeynaya in ay wax ka qaban waydey kadib markii dhowr jeer kala xaajoodeen.

    Ganacsatada u dhalatey dhulka Somalida Ethiopia oo dakada Bosaso kala soo daga badeecada ayaa maalmihii ugu dambeeyay la kulmey xanibaad ciidanka Ethiopia ku sameeyeen xuduuda kala qaybisa Somalia iyo Ethiopia gaar ahaan dhulka ku beegan Puntland.

    Booqashada Cadde Muse ayaa sidoo kale filayaa in ay la xiriirto muranka u dhexeeya Puntland iyo Somaliland iyada oo la filayo in Madaxweyne Cabdulahi soo dhexgalo arinkaan kadib markii dowlada Ethiopia ka gaabsatey in xukuumada Garowe gacan ku siiso dib ugu noqshada Laaska.

    Ethiopia ayaa saxiib la ah maamulada Somaliland iyo Puntland iyada oo la rumeysan yahay in tageero siin jirtey labada dhinac balse ka gaabsatey xalinta khilafka hada jira.

    Isku soo duuboo Maamul goboledka Puntland oo wayadaan dambe la soo gudbonaatey amaan daro, sicir barar iyo qaar ka tirsan gobolada PL oo gacanta ugu jira maamulka Somaliland ayaa Madaxweynaha DGPL marna dib uga noqon rabitankiisa la xiriira meel marinta heshiis uu la soo galay shirkadahaan.
 
watchlist Created with Sketch. Add RRS (ASX) to my watchlist

Currently unlisted public company.

arrow-down-2 Created with Sketch. arrow-down-2 Created with Sketch.