RRS 0.00% 0.1¢ range resources limited

argo10 translate this: from bbcsomalia website

  1. 137 Posts.
    Kulanka Sharif Xasan iyo Cadde Muuse


    Puntland oo maamul ka mid ah Soomaali weyn
    Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sh. Aden Madexweynaha maamul goboleedka Punland Cadde Muuse aya awadahadllo ku leh Bosaso.
    Waxa wararku sheegayaan in Guddoomiyah Baarlamanka Dowladda Federaalka ee KMG ah uu Madexweyne Cadde Muuse kala hadlay khilaafaadka la sheegey iney u dhaxeeyaan Ra'iisalwasaaraha DKMG ee Federaalka iyo Puntland ee ku xiriira nidaamkii loo mari lahaa baaritaanka kheyraadka dalka.

    Waxana la sheegey in is afgaranwaaga labada dhan dhexmarey uu ku saleysan yahey cidda sharciga u leh soo saarista kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

    Waxa halkan aan idiinku soo koobeynaa su'aalo uu wariyaha BBC-da Axmed Idaa Waqaca uu labada hogaamiye weydiiyey.

    BBC: Guddoomiye Shariif, waxa la idinku eedeenayaa in aad deg degeysaan oo laba sano iyo bar la rabey Federaalku ka rabey inuu ka hirgalo gudaha dalka Soomaaliya; idinkuna haddii aad tihiin dowladda Federaalka; dabcan xataa Baydhaba ood fadhisaan ma xukontaan, marka degdeggan maxaa idinku waacan?

    Sdhariif Xasn: Bismillah Raxmani Raxiim, horta labo sano iyo bar Federaalku inuu ku hirgalo waa la rabey, run waaye, uinsha allah haddana waa uu ku hirgali doonaa, hadda nafteedana wax badan ayaa ka qabsoomey, intii dhimanna waa la dhameystirayaa haddii ilaahey yiraa.

    BBC: Madexwene Cadde, wadahadaladiinu maxey soo kordhin karaan?

    Cadda Muuse: Wax la arko ayuu soo kordhin karaa, waana sixi karaa , maxaa jira ninkii labaad ee madaxada Soomaalida ayaa halkan socda, xalka uu keeno annagu diyaar ayaan u nahey in aan qaadano, marka waxa weyn ayuu soo kordhinayaa.

    Puntland waa maamul goboleed ka tirsan Soomali weyn

    BBC: Madexweyne Cadde, ma aqbaleysaan wixii ka soo baxa kulankiinan maadaama aad horey u dhaliishey in aad la shaqeysa Ra'iisalwasaare Geeddi?

    Cadde Muuse: Annagu wixii dan ah waa aqbaleynaa; dastuur iyo sharci baa noo dhigan, dastuurka iyo sharcigu wixii ay noo ogolaadaan..annagu waxayagaas annagaa leh, nin wareysan meyno, wixii sharciga na siiyo baan ku isticmaaleynaa, waana aan qancineynaa oo waxa aan tusineynaa dukumintigii dhignaa oo sharciga lagu sameeyey.

    BBC: Madexweyne waxa la leeyahey shirkaddan idinku heshiiska la gasheen ma ahin shirkad jirta oo iyadaa dillaal sii ah, arimahaas maxaa ka jira?

    Cadde Muuse: Waa run weeye jirri weeye shirkadda aan heshiiska la galney, annagaana dooraney. Shirkad weyn waxba noo qaban meyso. Qolooyinka ku doodaya shiriikad yar bey qaateen, waxa aan leeyahey maad keenteen idinku marka hore. Jirri qori u soranyahey garabka ayaan dooraney.

    Shirkad jirri ah!

    BBC: Guddoomiye sidaad u aragtaa shirladdaas Jiiriga ah ee Madexweynuhu sheegayo; een dabcan sharciga aheyn?

    Shariif Xasan: Shirkad mar haddiiba ay shirkad tahey lana arkey iney wax soo saari karto, dalkana waxa uu u baahanyahey, wax soo saar buu u baahnyahey, Soomaali waxa ay isku leysey baahi iyo cilmi la'aan, marka dad cilmina leh waxna soo saari kara haddii ay yihiin, wax soo saarka ayaa loo baahanyahey.

    http://www.bbc.co.uk/somali/news/story/2006/05/060529_somalia.shtml

 
watchlist Created with Sketch. Add RRS (ASX) to my watchlist

Currently unlisted public company.

arrow-down-2 Created with Sketch. arrow-down-2 Created with Sketch.