RRS 0.00% 0.1¢ range resources limited

can anyone translate?

  1. 151 Posts.
    Final Oil Drilling Equipment Lands in Bossaso

    BOOSAASO : Maalintii 3-aad oo Dakada ay ka dagayaan qalabkii lagu qodi lahaa macdanta

    December 26, 2011 11:43 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor


    Boosaaso:-Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka shaqeeya Daka*****saaso ayaa waxaa maalintii 3-aad waxaa ka dagaya qalab isugujira Giriig, Matooro, Gaadiid iyo Tuubooyin kuwaas oo la sheegay in loo wado deegaanka Dharoor si loogu qodo macdan la aaminsan yahay in ay halkaasi ku jirto.

    Qalabkan oo la sheegay in uu yahay mid qaali ah oo aad u heersareeya wali macadda shirkada iska leh iyo wadanka laga keenaymana jirto wax war ah oo qalabkan ku saabsan oo maamulku ka warbixiyay, hase ahaatee, Puntland ayaa heshiis kula jirtta shirkado kala duwan oo ah kuwa baara macdanta iyo kuwa soo saara.

    Shacabka Puntland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay iyaka oo qaarkood ku faraxsan in ay arkaan shidaal iyo khayraadka dihin ee waligood maqlayeen in uu dhulka ku jiro ay arkaan isaga oo la soo saaray oo laga faa’iidaystay.

    Qaar kale ayaa iyaku waxay la yaaban yihiin sida xog la’aanta ay uga yihiin khayraadka dhulkooda Hooyo laga soo saarayo oo aysan wax war ah oo warbaahinta iyo si kalaba loogu soo marshay aysan jirin.

    Xogta ku saabsan qalabka oo dhamaystiran Insha’allaah kala soco Puntlandpost.com

    Puntlandpost.com

 
watchlist Created with Sketch. Add RRS (ASX) to my watchlist

Currently unlisted public company.

arrow-down-2 Created with Sketch. arrow-down-2 Created with Sketch.