RRS 0.00% 0.1¢ range resources limited

re: puntland president said rrs is gun toting gang, page-9

  1. 837 Posts.
    re: puntland president said rrs is gun toting gang Argo dont stop there and the rest of this please punty!!

    Boosaaso- 29.May.2006 Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa u muuqda inay ka gudbayaan khilaafkii
    soo saarista dhanka Patroolka ee maalmahan ka dhex oognaa Ra’isalwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland, ka dib markii la isku qabtey heshiisyadii horey u dhexmarey labada dhinac iyo waliba qoraal mar kale uu soo saarey Cali Max’ed Geedi oo uu kaga biyo diidsan yahay in Puntland ay soo saarato khayraadkeeda dabiiciga ah tan iyo inta ay soo marayso DFKMG ah.

    Munaasabad casho ah oo caawa lagu qabtey xarunta Madaxtooyada ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka soo qayb galey wafdigii ka socdey DFKMG ah ee Soomaaliya ee uu hogaaminayey Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah Shariif Xasan Sheekh Aadam iyo masuuliyiin kala duwan oo ka socdey dhanka Maamulka Puntland.

    Casho sharaftan oo uu Madaxweyne Cade Muuse ugu tala galey in uu ku soo dhaweeyo wafdiga Shariif Xasan ayaa waxaa markii ay soo gabagabowdey saxaafada la hadley Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya iyo Madaxweye Kuxigeenka Puntland.

    Madaxweyne kuxigaha Puntland Xasan daahir Af-Qurac oo xafldan casho sharafta ah ka hadley ayaa ku nuuxnuuxsadey in maalinimada beri ah si rasmi ah loogu dhawaaqi doono heshiis buuxa oo laga gaarey wadahadlii labadii maalmood ee ugu dambeysay ay lahaayeen Puntland iyo DFKMG ah oo ku aadan khilaafkii iyo isfaham waagii.

    Xasan Daahir wuxuu tibaaxay inay Puntland ahaan aamini doonaan dhanka baarlamanka, iyadoo buu yiri ay horey u dhacdey in heshiisyo ay la galeen Xukumada Federaalka gaar ahaan Ra’islawasaare Geedi markii dambe sidoodii ahaan waayeen, waxaase uu sheegay in wafdiga Baydhabo ka yimid ay la noqon doonaan wax badan oo looga qanci doono Baydhabo, isla markaana Soomaali oo dhan iyo dadka reer Puntland wax u tari doona.

    Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah Shariif Xasan Sheekh Aadan oo munaasabadaasi casho sharafta ah ka hadley ayaa ugu horeyn wuxuu mahadcelin u direy Madaxda Puntland, isagoo uga mahadceliyey sida qiimaha leh ee loogu casho soorey xarunta madaxtooyada, mahadcelintaasi ka dib ayuu Shariif Xasan wuxuu tibaaxay in ay ku faraxsan yihiin sida Puntland ay uga aqbashey soo jeedintii iyo waxyaabihii looga wadahadley kulamadii xaley ilaa iyo maanta dhacey, wuxuuna xusey inay uga mahadcelinayaan Puntland sida ay ugu qanacdey waxyaabihii laga wada hadley.

    Shariif Xasan wuxuu carabaabey in Puntland ay tahay tiirka DFKMG ah, isla markaana Puntland oo aan la shaqeyn dawlada federaalka ay wax badan wax u dhimayso, sidaasi darteedna ay doonayaan in wadashaqeynta Puntland, waxaana Gudoomiye Shariif Xasan uu dhanka kalena ugu baaqey dadka reer Puntland in geedkii DFKMG ah ee ay baareen ee DFKMG ah ay haboon tahay inay wareebiyeen.

    Ugu dambeyntii xafaladii casho sharafta ayaa ku soo dhamaatey jawi aad u wanaagsan, iyadoo lagu wado in beri 10-ka subaxnimo hadii ALLE idmo si rasmi ah loogu dhawaaqi doono heshiiska ay labada dhinac ka gaareen amuurihii la isku hayey.
 
watchlist Created with Sketch. Add RRS (ASX) to my watchlist

Currently unlisted public company.

arrow-down-2 Created with Sketch. arrow-down-2 Created with Sketch.