RRS 0.00% 0.1¢ range resources limited

Nin shaqaale u ah shirkadaha IMC/Africa Oil oo la afdubey8 Oct...

  1. 964 Posts.
    lightbulb Created with Sketch. 13
    Nin shaqaale u ah shirkadaha IMC/Africa Oil oo la afdubey
    8 Oct 8, 2008 - 3:03:30 AM



    Waxaa warar soo gaaraya warsidaha Garowe Online sheegayaan in saakey waqtiga Afrikada Barri lagu afduubey degaanada u dhexeeya Kob-dhexaad iyo Ufeyn [Halka saldhiga u ah shirkadaan] ee maamul goboleedka Puntland nin u shaqeeya shirkada IMC oo la sheegey in qandaraas baaris shidaal ka haysato Africa Oil.

    Wararkan oo aan tafaasiil badan laga hayen ayaa intaas ku daraya in ninka la afduubey uu asal ahaan ka soo jeedo dalka Pakistan balse weli aysan cadeyn wadanka kale oo uu dhalashadiisa haysto iyada oo xoggaha qaarkood xusayaan inuu Canadian yahay halka kuwa kale tibaaxayaan Australian.

    Lama oga kooxda afduubey halka ay ka soo jeedo balse warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya iney ka tirsan yihiin ciidamo shirkadahaan u qorteen ilaalo kuwaasoo u badan dadka degaanka.

    Afduubka ninkaan kadib ayaa waxaa dhaq-dhaqaaq xoog badan laga dareemayaa xarumaha shirkadaan ka dagan tahay magaalada Bosaso iyo xukuumada Cadde Muse kuwaasoo qaban qaabo xoogan ugu jira sidii halkaas ciidamo ka qayb qaata soo furashadiisa loogu diri lahaa.

    Qafaalashada Ninkaan ayaa ku soo beegmaysa xili uu jiro muran aan aad loo shaacin kaasoo u dhexeeya maalmahaan dambe garwadeenada shirkadahan iyo dadka deganka kaasoo salka ku haya lacago loo balan qaadey oo aan la siin shacabka dagan goobaha shirkadaan la sheegey iney baarirsta kawado.

    Degaanada Maamul goboleedka Puntland hoos yimaada ayaa waxaa wayadaan dambe ay caan ku noqdeen afduubka loo gaysto Maraakiibta iyo dadka Ajaanib-ka ah kadib markii habacsanan ba'an soo food saartey mamaulka Cadde Muse madaxda ka yahay.
 
watchlist Created with Sketch. Add RRS (ASX) to my watchlist

Currently unlisted public company.

arrow-down-2 Created with Sketch. arrow-down-2 Created with Sketch.