RRS 0.00% 0.1¢ range resources limited

unlocking the secrets of puntland

  1. 1,507 Posts.
    todays news, can anyone here interpret this important Puntlanese news item



    Garoowe: Baarlamaanka P/land oo qalinka ku duugay u codaynta xil ka qaadista guddoomiyaha baarlamaanka.
    Tuesday, June 20, 2006




    Garoowe(AllPuntland)- Baarlamaanka dawlad goboleedka Puntland ayaa mar kale maanta kulankoodii isugu yimid , waxayna ka arinsanayeen qodob xiisad ka dhaliyay baarlamaanka oo ahaa in codka kalsoonida loo qaado guddoomiyaha baarlamaanka Puntland , xilkana laga qaado.

    Muranka ugu wayn wuxuu ka taagnaa in ajandaha lagu daro qorshaha kalsooni u qaadidda , baarlamaanka ayaa isku raacay in ajandaha lagu daro , isla markaana isla ogolaaday in qodobka koowaad ee maalinta bari ah laga doodayo uu noqdo cod u qaadidda guddoomiyaha baarlamaanka.

    Waxaa maanta xubnaha baarlamaanka oo tiradoodu gaaraysay 43 xubnood ay u codeeyeen in ajandaha koowaad ee baarlamaanku uu noqdo in guddoomiyaha baarlamaanka cod loo qaado , waxaana ajandahaasi soo dhaweeyay 30 xildhibaan halka 13 kalana ay diideen.

    Maalinta bari ah ayaa si wayn loo wada sugayaa in doodda baarlamaanka lagu furo cod loo qaado guddoomiyaha baarlamaanka Cismaan Dalmar Xaaji Yuusuf.

    Tan iyo intii Puntland la dhisay wuxuu noqonayaa guddoomiyihii labaad oo codka kalsoonida loo qaado , waxaana guddoomiyahan lagu eedeeyay inuu xukuumadda aad ula socdo iyo qodobbo kale , hase ahaatee , wax fursad ah looma siin inuu ka hadlo qodobada lagu soo eedeeyay.

    Qodobbo kale oo ay kamid ahaayeen khayraadka Puntland iyo baaritaannadooda ayaa ahaa ajandaha ugu wayn lana filayay in laga doodo , hase ahaatee waxay baarlamaanku ku doodeen arimaha quseeya baarlamaanka gudihiisa inay ugu wayn tahay in marka hore laga hadlo.


 
watchlist Created with Sketch. Add RRS (ASX) to my watchlist

Currently unlisted public company.

arrow-down-2 Created with Sketch. arrow-down-2 Created with Sketch.